Nabadoon Maxamed Xasan Xaad "Ciidamada Dalka Kenya Dhibaato Xoog Leh ku Hayaan Dadka Ku Dhaqan Gobollada Jubbooyinka".

0

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMuqdisho (AGGM); Nabadoon Max’ed Xassan Xaad oo ah guddoomiyaha gollaha odayasha dhaqanka beelllaha hawiye ee Muqdisho ayaa si kulul ugu eedeeyay ciidamada Kenya tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadannaha.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dalka Kenya dhibaato xoog leh ku hayaan dadka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka ee waqtiga ay ka howlgalaan, isaga oo intaa raaciyay in dowladda federaalka looga baahan yahay in ay deg deg arintaa wax uga qabto.

‘’Dhibaatada ay ku hayaan bulshada ku dhaqan gobollada Jubbooyinka waxaa ka mid ah dil, jir dil, iyo waliba caga-jugley joogta ah oo ay kala kulmaan dadka rayidka, sidaa daraadeed waa in ay dowladda arintaa wax ka qabtaa,’’ ayuu yiri nabadoon Max’ed Xassan Xaad.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in wax lala yaabo tahay in gobollada Jubbooyinka uusan tagi karin sida uu hadalka u dhigay mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan ku siyaasad aheyn Kenya.

Hadalka ka soo yeeray nabadoon Max’ed Xassan Xaad ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Kismaayo uu safar ugu anbabaxay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com