Soomaaliya Iyo Kenya Oo Kala Saxiixday Heshiis Kadhan Ah Falaagada Al Shabaab.

0

SAM_0538 (2)Kismaayo (AGGM): Wasiirka gaashaan dhiga Xukuumada Somalia C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo kusugan magaalada ksimaayo ayaa waxa uu sheegay in ay wadahadalo lagaleen saraakiisha ciidamada Kenya oo ku aadan in Kenya ay gacan kageysato sidii Al shabaab looga saari lahaa meelaha wali ay kaga suganyihin gobolada jubooyinka maadama ay kamid yihiin ciidamada AMISOM ee kusugan gudaha Somaaliya.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga dowladda soomaaliya waxa uu soo hadal qaaday in ciidamada xili sii horeysay loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada kismaayo kuwaa oo kasoo amba baxay gobolka Gedo ciidamadaasna ay ahaayeen ciidamo katirsan dowladda soomaaliya xaqna ay u leeyihiin in ay gudaha u galaan magaaladaasi.

Hadalkani kasoo baxay wasiirka gaashaan dhiga xukuumada soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dhawaan ciidamo katirsan dowladda soomaaliya is hortaag lagu sameeyey ayadoona loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayadoona ciidamadaasi ugu dambeyn ay u suurta gashay in ay galaan magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com