Maxkamad Ku Taala Denmark Oo Xukun Ku Riday Labo Wiil Oo Soomaali Ah.

0

maxkamad denmarkAarhus (AGGM): Sida ay baahisay wakalaad Wararka ufaafisa Denmark ee Ritzau Maxkamad ku taala Magaalada Aarhus ayaa Labo Wiil oo Soomaali Danish ah oo wada dhashay ku riday xukun xabsi ah oo u dhexeeya 3 sano iyo 6 bilood midkiiba iyagoo loo heysto inay ka tabar qaateen Xarakada Al-Shabaab gudaha Soomaliya.

Da’ada labada wiil ayaa lagu kala sheegay in kan weyn uu yahay 24-sano jir halka kan yarna uu jiro 19-sano inkastoo maxkamada aysan ku dhawaaqin magacyada ragaasi.

Xeer ilaaliyaha maxkada Magaalada Aarhus waxa uu dhageystay dacwadaha ka dhanka ah ragan walalaha ah ee asalkoodu yahay Soomalida maxkamada horteedana waxaa lagusoo bandhigay Documentiyo la xiriira inay Shabaab taageeri jireen oo ay ka bar bar dagaalameen.

Waxaa kaloo Maxkamada ay sheegeysaa in 19-jirka Soomaliga ah lagu helay inuu u fududeyn jiray dhalinyarada Soomalida ah kolkeey kasoo tagayaan dalkaas safarkooda si ay ugusoo biiraan falaagada argaggixisada ah ee Al-Shabaab.

Dowladda Denmark ayaa qiyaaseysa in xukunkan min 3 sano iyo 6 bilood ah ee lagu riday Wiilasha wada dhashay  ee Soomaalida ah oo loo heysto inay Soomaaliya gudaheeda Tababar uga qaateen falaagada Al Shabaab ay yareyn doonto hamiga Soomalida wadankaas ku nool uga jira inay kamid noqdaan maleeshiyada faalada  Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com