Dowladda Oo Beenisay In Wax Hub Ah Lagala Baxay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

0

cabdikariim xaajiMuqdisho (AGGM):  Xukuumada Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in ragga ka tirsan ciidamada dowladda hub ka xadeen ama kala baxeen Bakhaaro ku yaala xarunta madaxtooyad Villa Soomaaliya.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya hub ka xadeen ama kala baxeen Bakhaaro ku yaala xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

“Warkaas waa been, hub lagala baxay ma jiro, waxaa uu ahaa isku day la fashiliyay, dadkii ku lugta lahaa waa la qabtay, baaritaan ayaana ku socda”ayuu yiri wasiirka oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee Idaacada VOA-da.

Warka ku saabsan hubka lagala baxay xarunta madaxtooyada ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn u hadal hayay qaar ka mid warbaahinta iyo waliba saraakiisha ciidamada qaarkood oo sheegay in hub aan tiro badneyd laga xaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wasiirrka ayaa sheegay in laamaha nabad-galyada dowladda Soomaaliya wadaan baaritaan la xiriira cidii ka danbeysay isku deyga la doonayay in hubka lagu qaato, islamarkaana ka war sugayaan baaritaanka socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com