Ciidamada Dawladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo.

0

dagaal culusGarbahaarey (AGGM): Wararka ka imaanaya degmada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya oo ka dhaqaaqay degmadaasi ay weerar ku qaadeen deegaanka Birta dheer oo qiyaastii 14-Km u jirta  Garbahaaray ,halkaasi oo maalmihii ugu danbeeyay ay isku urursanayeen maleeshiyo ka tirsan falaagada Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Dadka degan deegaanka lagu dagaalamayo ayaa u xaqiijiyay idacaada KNN inay dagaalku uu yahay mid xoogan labada dhinacna ay is dhaafsanayaan rasaas iyo madaafiic culus,iyagoona xusay in aan lagu deg degi Karin qasaaraha ka dhashay halkaasi.

Iimaan cadow Kaarshe gudoomiyaha degmada Garbahaaray  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ay  ku qaadeen ciidamada Dawladda deegaankii lagu dagaalamayna  iminka gacanta uu  u soo gashay  ciidamadii weerarka qaaday falaagada Al Shabaabna  ay soo gaarsiiyeen qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa hada jirto hadal ka soo baxay  horjoogayaasha falaagada Al Shabaab oo sida la sheegay deegaankaasi dagaal kula galeen ciidamada Dawladda federaalka soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com