War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Hadda Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay qarax aan ilaa hadda la ogeeyn noociisa.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay kasoo horjeedka xarunta xawaalada Dahabshiil ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay fadhiisan jireen ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Illaa hadda ma ay jiraan warar faah faahsan oo kasoo baxaya qaraxan, waxaana ilaa hadda si dhab ah loo ogeeyn qasaaraha uu reebay qaraxan, waloow warar horu dhac ah ay sheegayaan in dhimashadu tahay 2 ruux halka dhaawucuna lagu sheegay in uu kor u dhaafayo toboneeyo.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan marki ugu horeeysay ee uu qarax ka dhaco magaalada Kismaayo, qaraxyadan ayaa waxa ay socdeen tan iyo marki lagala wareegay gacan ku heynta magaalada falaagada Al Shabaab.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com