Madaxweyaha Xilka Ka Baneenaya Ee Kenya Oo Ku Baaqay In La Adkeeyo Heshiisyadii Lala Galay Soomaaliya.

0

Mwai-Kibaki-the-Kenyan-pr-001Nairobi (AGGM): Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay waxaa uu ka sheegay in looga baahan yahay dowladda cusub ee badali doonta iyo madaxweynaha la doortay ee Uhuru Kenyatta in ay xushmeeyaan islamarkaana dhowrnaa hishiisyadii horay looga galay dowladda Soomaaliya.

Kenya kumanaan ciidamo ah ayaa ka jooga gudaha dalka Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka ah dagaallka kula jiro kooxda Al-shabaab, waxaana ay hadda gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan koonfurta dalka Soomaaliya oo ku jirto magaalada Kismaayo.

Mwai Kibaki ayaa amaan u jeediyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM isaga oo sheegay in ay guulo waaweyn ka soo hooyeen dagaallka ka dhan-ka Al-shabaab.

‘’Ciidamadeena Soomaaliya labo arrimood ayeey u galeen, mida hore waan in ay badbaadiyaan amniga Kenya iyo tan labaad oo ah xasilitan Soomaaliya, in badanna waa ay guuleystaan labadaas arrimood,’’ ayuu yiri madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Kenya.

Waxaa uu kula dardaarmay dowladda cusub ee talada dalka Kenya la wareegi doonto in ay xushmeyso siina aba-qaado dadaalada loogu jiro sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com