Kulamo Aan Kala Go’laheyn Oo Baydhabo Uga Socda Saraakiisha Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa AMISOM.

0

baydhabBaydhabo (AGGM): Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaan in kulamo aan kala go’laheyn ay halkaa ku leeyihiin saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM iuo kuwa Itoobiya.

Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in kulamadaasi yihiin kuwa salka ku haya sidii ciidamada Itoobiya loogu qancin lahaa in ay sii joogaan deegaannada ay hadda gacanta ku hayaan ilaa ay kala wareegayaan kuwa AMISOM.

‘’Kulamada si is daba joog ah ayeey u socdeen saacadihii aynu soo dhaafnay, rajo badanna ayaana ka qabaa in ay wax wanaagsan ka soo baxaan,’’ ayuu yiri Aadan Madoobe

Aadan Madoobe ayaa sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay u sheegeen in mudada ay ku fogaatay, isla markaana aanay Caalamka wax dhaqaale ah ka helin, waxaana uu tilmaamay inay isaga baxayaan deegaanada ay soo galeen.

“AMISOM iyo Ciidamada Itoobiya waxaa u socda wada hadal, waxaana rajeyneynaa in si dheeli tiran ammaanka loo sugo, marka ay ka baxayaan ay AMISOM ku wareejiyaan meelaha ay baneynayaan”ayuu yiri Mr Madoobe.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan si lama filaan ah mar kaliya uga ruqaaday ama uga baxay degmada Xudur ee gobollka Bakool, waxaana ay taa keentay in ay dib ula wareegaan degmadaas maleeshiyaadka kooxda Al-shaabab.

AMISOM ayaa hadda xoogga saareysa sidii dhaqso ciidamo ugu dirri laheyd dhamaan goobaha ay ka joogaan gobollada Bay iyo Bakool ciidamada Itoobiy si loo xaqiijiyo amniga deegaannadaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com