Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Gudaha Magaalada Marka.

0

Magaalada-marka1-618x401Marka (AGGM): Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo Hubka Nuucyadiisa kala gedisan, isla markaana geystay Qasaaro kala gedisan ayaa waxa uu ka socdaa gudaha Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkaan ayaa ah mid u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya, iyadoona dagaalkaan uu ka bilawday deegaanka loo yaqaan Buufow, wallow uu markii danbe soo gaaray Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Nawaaxiga Xarunta Degmada Marka, Saldhiga Ciidanka iyo Isbitaalka ee Magaalada Marka ayuu dagaalka xilligaan ka socdaa, waxaana la sheegayaa in uu dagaalkaan ku dhaawacmay 4-ruux oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Millitariga ee ka howl gala Marka iyadoona sidoo kale ay ku dhinteen 2-ruux oo kale.

Inkastoo xilligaan aan faah faahin rasmi ah laga bixin karin qasaaraha uu geysanayo dagaalka, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in uu jiro qasaare dhaafsiisan tirada dhaawac iyo dhimasho ee dagaalkaan.

Ciidamada ka wada tirsan Dowlada ee dagaalkaan culus dhex maraya ayaa la sheegay in ay u kala jabeen Labo beel, iyadoona aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee uu dagaalkaan ku bilawday.

Dadaalo ayaa socda oo lagu hakinayo dagaalkaan, iyadoona saraakiil Ciidan iyo AMISOM ay isku dayayaan inay kala dhex galaan dagaalkaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com