War Saxafadeed: Shirkii Golaha Wasiirada Golaha Wasiirada Oo Maanta Looga Dooday Qodobo Dhowr Ah.

0

3Muqdisho (AGGM): Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshe loogu magac daray “The New Deal”, Arrimaha Amniga, iyo soo celinta hantidii dowladda gaar ahaana Warshaddihii dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in ugu horeyn golaha Wasiiradu warbixin ka dhegeysteen guddigii loo xilsaaray inay keenaan faah faahinta dilalkii todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu dilay dhalinyaro, waxaana arrintan ka warbixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka mid ah guddigii loo xil saaray dhacdadaas.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta guddiga kadib, ay Goluhu isla qaateen in dib loogu dhigo kulanka dambe ee golaha, si go’aan looga gaaro. Wasiirka Warfaafinta, ayaa sidoo kale faah faahiyay warbixin golaha Wasiirada ay ka dhegeysteen khubaro ku xeel dheer barmaamijka loogu magac daray “The New Deal”, kaas oo ah qorshe ballaaran oo ay dhaqangelinayaan dalalka deeqaha bixiya isla markaana dalalka deeqaha la siiyo ay ku dalbanayaan baahidooda gargaar, si looga taageero.

Qorshahan ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta in golaha wasiiradu ay soo dhoweeyeen, ayna isla garteen in hay’addaha kala duwan ee dowladdu ku dhaqmaan. Si loo helo taageero ka tarjumeysa baahida shacabka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in golaha Wasiirada ay ka doodeen qorshe ku aadan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaana Warshaddihii dalka, wuxuuna xusay in ay isla garteen in la magacaabo Guddi Qaran oo ku magacaaban Dikreeto madaxweyne, isla markaana leh awood ay ku fuliyaan howlahooda. Taasoo sahleysa in si dhameystiran dowladdu u hesho goobihii, iyo qalabkii Warshaddaha dalka.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Golaha Wasiiradu ka hadleen codsiyo ay soo jeediyeen dad Soomaali ah kuwaasoo doonaya inay helaan Jinsiyadda Soomaaliga iyo weliba Baasaboor, maadaama aabayaashooda ay Talyaani ahaayeen hooyooyinkoodana Soomaali, wuxuuna xusay in dib loogu dhigay inta laga meel marinayo sharciga Jinsiyaddaha, kadibna laga gaari doono go’aan.Soomaaliya.

—Dhamaan—

Garad Salad Hersi
Press officer

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com