Labo Ka Tirsanaa Maleeshiyada Raaskambooni Oo Lagu Dillay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): War goor dhaw naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dilleen bartamaha magaalada labo maleeshiyo oo ka tirsanaa maleeshiyada Raaskambooni magaalada Kismaayo.

Goob jooge ku sugnaa halka uu falka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubaysan oo la socday ama saarnaa Bas ah ay dilleen labada maleeshiyo, kaddibna ay horay qaateen qoryihii iyo booshashkii ay siteen.

Waxaa uu intaa ku darray qofka la hadllay warbaahinta in ragga la dillay ka tirsanaayeen maleeshiyada Raaskambooni, balse aan ilaa hadda la garaneyn sababta loo dillay iyo cida dishay intaba.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay arintan ka soo saareen horjoogeyaasha maleeshiyada Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee iyaguna halkaa ku sugan.

Marar badan oo kala duwan waxaa magaalada Kismaayo sidan oo kale uga dhacay dilal lagula kacay maleeshiyada Raaskambooni iyo dad rayid ah, ilaa iyo haddana ma jirto cid loo qabtay ama sharciga loo horkeenay dhamaan dilalkaas dhacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com