Dagaal Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobollka Mudug.

0

gaalkacyoGaalkacyo (AGGM): Wararka ka soo baxay magaalada Gaalkacyo ee gobollka Mudug ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux ay ku dhimatay tiro kalana ay ku dhaawacmeen iska horimaad kooxo hubeysan ku dhaxmaray koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha nabad-galyada magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ilaa iyo waqtiga aysan ogeyn sababta keentay dagaallka, laakiin ay wadaan baaritaano la xiriira arintaa marka ay soo dhamaayaan baaritaankana la hadlli doonaan saxaafadda.

‘’Dagaallka waxaa uu dhacay 10:30 habeenimo ee xalay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba waxaa ay ka tirsanaayeen ama ahaayeen dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo, Cabdi Xassan Qooreey.

Ilaa iyo hadda lama sheegin dhinaca ay ka tirsan yihiin kooxaha maleeshiyada ah ee uu iska horimaadku dhaxmaray iyo waliba cida ay ka amar-qaataan, waxaana ay saraakiishu ay ka gaabsadeen in ay ka hadllaan kooxaha uu dagaallkaasi dhaxmaray.

Inta badan marka la eego magaalada Gaalkacyo ee gobollka Mudug waxaa ku badan dagaallada u dhaxeeya maleeshiyada aan la garaneyn dhinacka ay ka tirsan yihiin kuwaasoo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah ee ku nool magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com