Xog Rasmi Ah: 40 ka Ruux Ee Bacaha Madoow Ku Sitay Dharkooda Ee Dhawaan Diyaarada Looga Qaaday Doolow Umma Aysan Wada Dhalan Gobolka Gedo.

0

bac madoowWararka naga soo gaaraya degmada Doolow ayaa waxa ay sheegayaan in 40-kii ruux ee lagu sheegay in ay ahaayeen ergada gobolka Gedo ee dhawaan diyaarada ka qaaday degmada Doolow inaysan u wada dhalan gobolkaas, waana been abuur la buun buuniyay.

Warka sida uu nagu soo gaarayo 40-kaa ruux waxaa u dhashay gobolka Gedo 10 ruux, halka 30-ka kalena ay ahaayeen kuwo laga soo kala aruuriyay deegaanada gobolka Gedo ku dhow-dhow iyo kuwo kasoo kicitimay deegaanada Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Sida ay dhawaan sheegeen mas’uuliyiin ku hadlayay magaca gobolka Gedo, 10-ka ruux ee kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa ah qudhooda kuwo aanan markii horaba degmada Doolow lagu geynin wada tashi guud ee dhex maray dhamaan oday dhaqameedyda iyo maamulka gobolka Gedo ka jira, balse inta lasoo aruuriyay oo shirar qarsoodi ah loo qabtay loo sheegay in ay ka qeyb galayaan shir ka dhici doona degmada Kismaayo.

Sida aad ku arki karto masirka qoraalkan la socda, waxaad dareemi kartaa in xubnahaan Kismaayo loo qaaday ee lagu tilmaamay in ay yihiin ergada gobolka Gedo oo dharkooda ku sita bacaha madoow ee qashinka, in ay yihiin kuwo aanan safarkooda si weyn loo qaban-qaabin oo u muuqan kara inaysan ahayn kuwo dagan amaba saldhig ku leh gobolka Gedo, balse safar meelo kale uga kala yimid.

Dhinaca kale, waxaa xaqiiqo ah in uu jiri doonin wax loogu yeero shirka maamul u sameeynta Jubbooyinka oo Kismaayo ka dhici doona illaa ay dowladda Soomaaliya bud dhige iyo hogaamiyaba ka noqoto shirkaa, isla markaana gabi ahaanba laga saaro shirka kooxda danaha gaarka ah leh ee been abuurka kula kacay dadka Gobolka Gedo iyo Kuwa kala shaqeeyayba ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo, waxaa dadki daawaday warka ka baxay Somali Chanel ay ku noqotay fajac been abuurka intaa le’eg ee lagula kacay dadka ku abtirsada deegaanada Gobolka Gedo, halka qaarkoodna ayba si cad ugu haliilayaan inay adeegeyaal u noqdaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana loo qarinayn in lagula xisaabatamayo talaabooyinkaa foosha xun ee ay ku kaceen.

bac madoow

Maxamed Cabdi Faarax,
Doolow, Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com