Wafdi Balaaran Oo Ka Socda Xukuumada Soomaaliya Oo Goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo.

0

Baydhabo27Baydhabo (AGGM): Wafdi balaaran oo ka socda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga gaaray Baydhabo Janaay waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, Axmed Maxamed Maxamuud, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta, Maxamed Rashiid Sheekh Daahir iyo abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyieed Gen. Cabdirsaaq Khaliif Cilmi .

Wafdiga ayaa magaalada Baydhabo wuxuu haatan kulan kula qaadanayaa maamulka Cusub ee gobolka Baay.

Booqashada wafdiga ayaa imaaneysa labo maalmood kaddib markii Al-Shabaab ay dib ula wareegtay gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xuddur kaddib markii ciidankii Itoobiyaanka ee halkaas joogay tan iyo 2011 ay ka baxeen magaalada.

Ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee magaalada Xuddur ayaa keentay walaac ah in ciidanka Itoobiyaanka ay qorsheynayaan inay isaga baxaan guud ahaan gobollada Koonfureed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay in ciidankiisa ay ku sii sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya tan iyo inta ciidanka Midowga Afrika ay diyaar u yihiin inay beddelaan ciidanka Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com