Mucaaradka Puntland Oo Ka Digay In La Marin Habaabiyo Nidaamka Doorashada.

0

boosaasoBoosaaso (AGGM): Ururada Siyaasada ee magacyadoodu iyo saxiixyadoodu hoos ku qoran yihiin waxay ku faraxsanyihiin inay usoo bandhigaan hay’addaha ay warqadanni sida tooska ah ugu socoto iyo dadweynaha reer Puntland aragtidooda ku aadan doorashooyinka la damacsan yahay inay ka dhacaan deegaanada Puntland bilaha inagu soo fool leh ee golayaasha deegaanka iyo kuwa Wakiiladda.

Ururada waxay u mahadcelinayaan dhamaan guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ah, dowlada Puntland, hay’ada “Interpeace”, wakiiladda dawladaha midowga Yurub iyo Ururada kale ee caalamiga ah. Kuwaasoo dadaal maadi iyo macnawi ahba ku bixiyey sidii looga hirgelin lahaa doorashooyinka ku dhisan nidaamka xisbiyada badan ee deegaanadda Puntland.

Waxaanu si aan marnaba shaki ku jirin u caddayneynaa inaan aaminsanahay, diyaarna u nahay ka qeybgalka nidaamka xisbiyada badan. Hase yeeshee, doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo HUFAN oo lagu wada qanacsan yahay islamarkaana ku dhaca Jawi nabad-galyo, sinaan iyo caddaaladi ku dheehan tahay.

Waxaa ururada u caddatay in is-riix ku dhacay jadwalkii doorashooyinka ee ay soo gudbiyeen GDP islamarkaana aan waxba laga hirgelin qodobadii saldhiga u ahaan jiray doorashooyinka sida:

– Magacaabidda Maxkamadii Dastuuriga ahayd
– Tirakoobka dadka Puntland
– Diyarinta warqadaha aqoonsiga Puntlander-nimada.
– Kala xadaynta Xudduuda degmooyinkii hore iyo kuwa cusub
– Diiwaangelinta Codeeyeyaasha
– Sugidda amniga dhamaan deegaanadda doorashooyinka ka dhacayaan
– Diyaarinta shaqaale xirfad iyo karti leh, laguna shaqaaleeyey hab-furan (transparent process) islamarkaana dhamaan ururadu ku kalsoonaan karaan.

Ururadu waxay kaloo ogaadeen in Dawladda Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka kumeel gaarka ahi qorshaynayaan, in laga saaro xeerka doorashooyinka deegmooyinka qodobo badan oo aasaas u ah qabsoomida doorasho XOR iyo Caddaalad ah, sida aqoonsiga muwaadinka iyo diiwaangelinta codeeyeyaasha.

Sidaa awgeed, waxay ururadu ku adkaysanayaan in la fuliyo dhamaan qodobadaas aan kor ku sheegnay ee aasaaska u ah qabsoomida doorashooyinka, haddii la rabo in la qabto doorasho loo siman yahay oo hufan, taasoo aan waxyeelin nabadgelyada dadka iyo dalka Puntland.

Golaha Wakiilada waxaan usoo jeedinaynaa inaysan waxba ka bedelin xeerarkii doorashooyinka ee horey loo ansixiyey. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa, inay isu yimaadaan dhamaan ururada siyaasadda, guddiga doorashooyinka KMG, hay’adda “Interpeace” iyo dowlada, si mawqif midaysan looga qaato arrimahan taagan.

Ugu danbeyntii, ururadda siyaasadda ee halkan ku saxiixan waxay soo jeedin doonaan xal lagu badbaadin karo dalka iyo dadka xilliga kala-guurka, markii ay ku haboonaato.

Shantan Urur siyaasadeed oo warsaxaafadeedkan ku saxiixan ayaa kala ah:

UDAD,WADAJIR, PDP, MIDNIMO &HORCAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com