Warsaxaafadeed: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ayaa Si Kulul U Cambaareeyey Qaraxii Maanta.

0

jawaariMuqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii bahalnimo ee ay maanta Maleeshiyaadka argigixisada ah ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dadkii weerarkaasi foosha xun ku geeriyooday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri” INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, runtii waxaan dareenka murugada iyo xanuunka leh la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee maanta ay gacanta ka gardaran ku xasuuqday magaalada Muqdisho, runtii waa fal cadawtooyo ah oo aad u xun”

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yiri” waa fal aan diinta Islaamka raad ku laheyn in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan lagu haligo qarax ayaga oo danahooda raacanaya, dadkii shacabka ahaa ee maanta ay argigixisadu goobtaas ku dileen ma aheyn kuwo siyaasad ama dhinac la safan, wuxuuna falkaasi cadeynayaa cadaawadda ay argigixisadu u qabaan shacabka Soomaaliyeed oo ah iney nabadda iyo hormarka u diidan yihiin.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ee goobtaasi ku geeriyooday isaga oo Alle uga baryey dadkii goobtaasi ku geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,eheladooda iyo qaraabadoodana uu samir iyo iimaan kasiiyo.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney meel ugasoo wada jeestaan cadawgooda islamarkaana aysan falalka argigixisada ah ka niyad jebin hormarka ay hiigsanayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

—–DHAMAAD—–