Wararkii Ugu Danbeeyay Qaraxi Ismiidaaminta Ahaa Ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.*Daawo Sawirrada*”

0

qa5Muqdisho (AGGM): Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar ismiidaamin oo khasaare weyn geeystay kaa oo ka dhacay maanta agagaarka Ex Fiyoore magaalada Muqdisho, xili halkaa uu marayay gadiid uu la socday taliyaha ciidamada nabad-sugida dowladda Soomaaliya Khaliif Axmed Erag.

Wararku waxaa ay sheegayaan tirada dadka ku dhintay qaraxa ay gaartay ilaa 10 ruux halka dhaawacuna intaa ka sii badan yahay, waxaana jira wali dad meydkooda laga soo hoos saarayo dhismayaasha bur buray agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxa waxaa ay u badnaayeen dad rayidka ah oo ka agdhawaan goobta uu weerarka ka dhacay, kuwaasoo siyaabo kala duwan mashaqadu ku qabasatay, waxaana dadka waxyeeladu soo gaartay u badnaa dad fadhiyay maxaaqi aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

Taliyaha ciidamada nabad-sugida dowladda Soomaaliya Khaliif Axmed Erag oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo bixin xaaldiisa caafimaad iyo inta uu la eg yahay dhaawac soo gaaray, waxaana lagu daweynayaa isbitaal ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Qaraxan ayaa noqonaya marka la eego kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii la dhisay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max’uud.

qa5

qa1

qa2

qa3

qa4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com