Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Oo U Ambabaxay Riyadh Ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

0

wasiirka arimahaMuqdisho (AGGM): Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta u ambabaxay dalka Sacuudiga si uu uga qeyb-galo shir ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta ah.

Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliya taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sheekhuna Maye, agaasimaha hay’adda nabad-sugidda qaranka, Axmed Macallin Fiqi iyo saraakiil kale.

Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Dalalka Carabta ayaa kulankiisa 30-aad wuxuu ka dhacayaa magaalada Riyadh inta u dhaxeysa Maarso 13-14.

Ajandaha kulanka waxaa ka mid ah mawduucyo muhiim ah oo ku saabsan ammaanka, waxaana kulanka ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga, wufuud ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo kan amniga qaranka ee Sacuudiga.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-gali doona wakiillo ka socda Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com