Maamulka Cusub Dowladda Soomaaliya Ee Magaalada Caabudwaaq Oo La Wareegay Saldhiga Booliska.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Maamulka cusub ee dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay u magacowday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa Isniintii si rasmi ah ula wareegay saldhigga booliska iyo xarunta maxkamadda, tallaabadan oo qeyb ah dadaal maamulka uu kula wareegayo xarumaha dowladda ee degmada.

Saraakiil ka tirsan ciidankii hore ee booliska Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maamulka cusub ku wareejiyay xarumaha dowladda.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif ayaa soo dhoweeyay la wareegista xarumaha dowladda ee shalay lagu wareejiyay.

Dhirif wuxuu sheegay inuu burbur xooggan ka muuqdo saldhigga booliska, isagoo dowladda ka codsaday inay dayactir ku sameyso si maamulka degmada uu si deg deg ah u howlgeliyo saldhigga.

Maamulka cusub ee degmada Caabudwaaq ayaa la soo magacaabay Axaddii la soo dhaafay kaddib markii wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed uu Axmed Jaamac Dhirif u magacaabay guddoomiyaha degmada Caabudwaaq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com