Diyaarad Saanad Militari U Sida Ciidamada Dowladda Oo Ka Dagtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

0

diyaarad-milatari12Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in maanta magaaladaasi ay soo gaartay diyaarad ka timid  Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Diyaaradan oo ay soo dirtay wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya ayaa waxa ay waday  qalab kala duwaan oo milatari oo ay ka mid yihiin  dareska Ciidamada  hub iyo rasaas Daawo iyo Raashin.

Diyaaradan ayaa waxa ay si toos ah  uga soo dagatay garoonka diyaaradaha  ee Axmed Gureey International Airport halkaas oo looga dajiyay qalabki ay waday.

Diyaaradaan ayaa waxa ay waday saraakiil  Ciidan  balse illa iyo  hada mala cadayn karo xilalka ay hayaan saraakishaas iyo ujeedka socdaalkooda.

Saraakisha yimid  iyo  Saanadi ay wadeenba waxa ay u dhaqaaqeen  dhanka Xerada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin  Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Imaanshaha Diyaaradan waday  saraakisha iyo sanaadan kala duwan ayaa waxa ay daba socotay  Wafdi  sarakiil ah oo 3 maalin ka hor yimaday Magaalada Kismaayo.

Sida Allgalgaduud Media ay xog hoose ku heshay  Sanadan Milatary ee la keenay ayaa waxaa lagu talagalay Ciidamadi dhawaan ka yimid Dagmada Ceelwaaq iyo Ciidamo kale oo  ka tirsan Guutada 2aad ee Ciidamada xoga Soomaaliya ee uu taliyaha u yahay  Gen Caanood oo maalmaha nagu soo fooda leh lagu keeni doono diyaarado.

—————————————

Maxamed Cabdi Cali
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com