Xiriir Intee Le'eg Ayaa Ka Dhaxeeya Maleeshiyada Raaskambooni Iyo Ururka Argagixisada Ah Ee Al Shabaab?

0

shaba5Sida la wada ogsoon yahay maleeshiyaadka Raaskambooni waxaa aabe u ah amaba aan iraahdo’e horjooge u ah si dadban Xasan Turki oo ay dhamaan bulshoweynta Soomaalida si wanaagsan u wada taqaan oo doorweyn ka ciyaara ururo diimeedka mayalka adag ee Al Shabaab, Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa (Tuuga Inta Aadan Oran Tuug Buu Tuug Ku Yiraahdaa), anoo ulla jeeda arin maalamahan leeysla dhexmarayay ee ahayd ciidamadamo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo lagu timaamay in ay yihiin Al Shabaab inaga oo wada ogsoon ciidamadan cida tababartay iyo cida qalabeysayba.

Waxaa kale oo isweeydiin mudan ciidamadan waxaa laga hayaa cadeeymo muujinaya magacyadooda, hubka ay sitaan iyo gaadiidka ay wataan waxayna u diiwaan gashan yihiin dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Amisomba ee Raaskambooniyey xageed ka diiwaan gashan tahay ileen dowladdi Soomaaliya waa diideen’e?

Maxayse tahay ujeedka ay maleeshiyaadka Raaskambooni u diidayaan awaamiirta dowladda Soomaaliya, hadii aysan xiriir la lahayn Al Shabaab iyo wax lamid ah?

Haddaba dib u raac taariikhda oo bal isweeydii su’aasha ah maleeshiyada Raaskambooni Waa Kuma?

Jawaabta waa ay sahlan tahay waana ay cadahay hadaan indhaha iyo dhagaha leeys tireen, maleeshiyada Raaskambooni waa farac ka tirsan Al Shabaab oo marba dhinaca nacfiga jiro shaar u gashta, maxaase daliil u ah? waxaa daliil u ah bal dib u eeg qoraaladan ku soo baxay qaar kamid ah shabakada soomaalida laga bilaabo maalinkaanu maqalnay magaca maleeshiyada Raaskambooni.

Nambaradan Hoose Mid Mid U Guji Si Aad U Ogaato Taariikhda Maleeshiyada Raaskambooni.

1 _ 2 _ 3 _ 45 67 _ 8

shaba4

shaba5

shaba3

shaba2
Axmed Madoobe Waa ninka afaraad markaad bidixdaada tirada ka soo biloowdo.

Maleeshiyada Raaskambooni intaas oo cadeeyn ah ayaan u heeynaa hadii loo baahdana waxaa lakeeni karaa cadeeymo kabadan kuwan aanu hadda soo bandhignay.

Yaa Daaha gadaashiisa ka Hogaamiya maleeshiyada Raaskambooni?

Raaskambooni waxaa hogaamiya ninka lagu magacaabo Xasan Turki, waxaana hadda dhanka nacfiga iyo sandareerta u qaabilsan Axmed Madoobe,labadan nin ayaa waxa ay kasoo wada jeedaan hal beel, islamarkaana waa nin iyo seedigi.

Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa (Gorayadu Lugna Cayaarta Ayay Kula Jirtaa, Lugna Banaanka Ayay U Taal) taana anoo ulla jeeda  Axmed Madoobe Iyo Xasan Turki waa laba nin oo si wanaagsan isu og kana wada tirsan urur diimeedka mayalka adag ee Al Shabaab, balse waa ay raadgadanayaa oo Axmed Madoobe waxaa loo gashay shaarka la dagaalanka argagixisada, halka Xasan Turkina loo gashay shaarka ururo diimeedka mayalka adag balse ciyaarta isku meel ayay u wadaan, ciyaartanna waxaa kale oo ku jira qeeybna ka ah ONLF, madaxda Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo kuwa Waqooyi Bari Kenya ujeedkuna waa hal oo waa Reerka Yuusan Cidlo dhicin.

Waxaa xaqiiqo ah oo iyana cadeeyn loo hayaa inta hadda ay maleeshiyaadka Raaskambooni ku sugnaayeen amaba gacanta ku hayeen magaalada Kismaayo in Xasan Turki bil walba loo dirayay lacag gaareeysa $ 25,000 Kun oo doolar, lacagtaas oo laga soo qaadayay Dekedda magaalada Kismaayo,  islamarkaana Xasan Turki waxa uu soo tababaraa ciidamo lagu soo biiriyo maleeshiyada Raaskambooni.

Su’aasha ugu dambeeysa ee iyana isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay yaa ah Al Shabaab amaba xiriir la leh ilaa maantadan aanu joogno, ileen waanu wada ogsoonahay halka uu joogo hogaamiyiha Rasmiga ah ee maleeshiyaadka Raaskambooni Xasan Turki?

Gabgabadi waxaan filayaa waqtigan in maleeshiyada Raaskambooni uu godkeedi biyo ugu soo galay, lana gaaray waqtigi lasoo gabagabeen lahaa dhinacna loo dhaafin lahaa ummada iyo dalka Soomaaliyeed.

Wabilaahi Towfiiq

Xuquuqda Sawirada waxaa Leh Shabakadaha magacooda ku qortay waan kasoo xigtay oo qura.

Xasan Guuleed Cumar “Xasan Daanleex”
Caabudwaaq, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com