Maroodigu Takarta Saaran Muxuu U Arki Waayey?

0

suldanMaalmahan waxaa saxaafadu qaliin & googeyn kuhaysay arinta Maamul usamaynta ee gobolada Jubooyinka & Gedo,waxaana arintaas ka dhexmuuqday arimo caadifadi Kabuuxdo.

Anigu waxaan kismaayo tegay markii iigu horeysay sanadkii 1982 waxaana markaas ka qaybqaatay barnaamij tirakoob oo gobolka Jubada hoose laga samaynayey, waxaana xasuustaa in dadka degaankaas degani ahaayeen dad aad iskujecel waxaana halhays u ah Kismaayo iyo kistaada.

Hadaba Magaaladan waxaa lagu sheegi karaa magaaladii ugu culayska badnayd ee dagaaladu naafeeyen marka laga reebo magaalo madaxda muqdsho, waxaa kale oo lagu tilmaami karaa magaaladii dagaalada qabaliga ahi kabilowdeen,sidoo kale waxay gashay ugu yaraan 20 gacmood oo aanay kujirin mid naxariis iyo nugayl ay kala kulantay.

Magaalada Kismaayo hadii af iyo adin looyeeli lahaa maba ay yeeshen qof afsoomali kuhadlaya waxayna dhihi lahayd dushayda kuma socon kartid, biyahayga macabi kartid.

Waxaan ararta intaas la eg umarayaa inaysan caqliga kuhaboonayn in maanta Kismaayo iyo nawaaxigeeda laga diido dhisme Maamul, maxaa yeelay dadka soo kunool dhulkaas waxay u badanyihiin kuwo noloshoodu kuxirantahay beeraha kaluunka & xoolaha waxayna sida biyaha kadaran ugu baahanyihiin maamul .

Marka laga sootago kooxaha siyaasiyiinta ah ee isqalindaarka kusoo tababartay waxaan aad ula yaabay rag sheeganaya hayb qabiil hadana kahadlaya arimaha jubooyinka xitaa aan safar kutegin, taasi sow lama dhihi karo waa maroodigu takarta saaran ma arkee wuxuu arkaa mida saaran maroodiyaasha kale.

Hadii aan hoos ugu dego qormada ilayn soomali waxba uma kala qarsanee waxaan kutalinlahaa in hawsha jubooyinka loodaayo dadka gacanta kuhaya wixii farsamo ama kabis ahna lagu daro ,laakiin arinta loo ekaysiinayo looma dhamadii Eeldoret laga soo minguuriyey hala joojiyo , waxaana arintaas u hayaa kuwa aan degaanadooda Maamul usamayntiisa ilowsani yeysan kumashqulin dad waxdhisaya, hadaad shalay xariif kunoqotay duminta iyo ishortaaga hada waxaa yimid nidaam Federaal ah inta waxkale lagu bedelayo waa in loo hogaan samaa sida ay aniga igula quman tahay.

Ninka kudhashay Ceelbuur ee xiligaan kahadlaya dhismaha maamul usamaynta jubooyinku wuxuu lamid yahay nin soojeed kuriyooday waxna laga qorimaayo.

Asalka Maamul samayntu waa inta badan oo taladaleh iyo minooratiga oo dhagaysi fiican layimaada, martida kasoo qaybgashana waa in la maamuuso.

Dadka nasiibka uyeeshay inay soogaaran kismaayo oo maamul loosamaynayo waxaan leeyahay waqtigaa idin cafiyey ee dhibkiina waad qabtiina.

Ali Abdulahi Hassan
Suldaanka Dadka Afsomaliga Kuhadla

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com