War Deg Deg Ah: Dagaal Mar Sadexaad Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Qarxo Magaalada Kismaayo.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in laga cabsi qabo in uu halkaasi ka qarxo dagaal dhexmara mar sadexaad ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo Maleeshiyo beeleedda Raaskambooni.

Shalay ayay ahayd marki ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya oo aad u hubeysan watana gaadiidka dagaalka oo fara badan soo gaareen magaalada Kismaayo, ciidamadan dowladda ayaa kasoo kicitimay degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa marki ay soo gaareen magaalada waxa ay fariisin ka sameesteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay dadka magaalada iyo saraakiisha AMISOM kulamo kula qaateen.

Waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay gudaha magaalada kawadaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ,waloow dadka qaar ay hadda sheegayaan inay dib ugu laabteen saldhigooda madaxtooyada magaalada Kismaayo, waloow saacad walba ay wax isbedeli karaan.

Sida ay sheegayaan shacabka ku dhaqan magaalada waxaa laga cabsi qabaa in uu dagaal culus mar sadexaad dhexmaro ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duub oo waxaan la saadaalin karin halka ay ku dambeeynayso xaalada magaalada Kismaayo oo uu dhawaan ka dhaceen dagaalo iyo shir lagu sheegay maamul usameenta Jubbooyinka iyo Gedo oo ay dadka deegaankana si aad ah uga biyo diideen in ay ka qeeyb galaan shirkaas kadibna iskiis u fashilmay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com