Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Kaarbad Cas U Dhigaya R/wasaare Saacid.

0

top newsMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” maalmahan soo socda uu booqan doono magaalada Garoowe ee caasimada maamulka la magac baxay Puntland.

Waxaa maalmaha fooda inagu soo hayo ku wajahan magaalada Garoowe wafdi balaaran oo uu hogaaminayo R/wasaare Saacid kadib marki uu codsi uga yimid madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mudane Faroole.

Codsiga booqashada R/wasaare Saacid ayaa waxa uu ka yimid madaxweeynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Faroole “Waxaan R/wasaare Saacid ka codsaneeynaa in uu soo booqdo deegaanada Puntland, sida uu u booqday gobolada kale ee dalka Soomaaliya sida Galguduud”.

Warar hoose ayaa wax ay sheegayaan in Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Faroole uu doonayo in R/wasaare Saacid uu kala hadlo arrimaha Jubbooyinka, weliba uu u soo bandhigo Dowladda Soomaaliya qorshe cusub oo meesha looga saarayo hogaamiyeyaasha iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, maadaama ay  hogaamiyeyaasha iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ka hor yimaadeen dhamaan beelaha daga deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Mudane Faroole ayaa hadda waxa uu aad ugu faraxsan yahay qaabka ay wax uga socdaan amaba ay uga dhacayaan gobolada Jubbooyinka maadaama ay fashilmeen amaba ay ku dhaceen dabinki uu maleegay ee uu in muda ahba la doonayay hogaamiyeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, Madaxweynaha mamaulka Puntland ayaa arintaas u arka inay  fursad weeyn u tahay dadka kasoo jeeda Jubbooyinka balse asal ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland inay buuxiyaan booska Raaskambooniyiinta, islamarkaana heshiis kula galaan Dowaladda Federaalka Soomaaliya, dadka daga Jubbooyinka iyo Gedo.

Isku soo wada duub oo waxaan si dhab ah loo ogeen oo ay kasoo baxayaan warar isqilaafsan maalinta saxda ah ee uu booqanayo R/wasaare Saacid deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com