Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka Oo Baaq U Diray Dadka Ku Howlan Maamul U Sameynta Jubbooyinka Iyo Gedo.*Dhagayso*

0

ISMAMuqdisho (AGGM): Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa maanta soo saaray Baaqyo nabadeed oo ku aadan arrimaha Jubbooyinka kadib markii ay kulan socday muddo laba maalin ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulan ay yeesheen gudiga dib u heshiisiinta Qaranka oo socdo mudo laba maalin ah kaas oo looga hadlayay arrimaha ka jiro gobollada Jubbooyinka iyo sidii baaq nabadeed loogu diri lahaa ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Qaranka.

Ismaaciil Macalin Muuse ayaa sheegay in kulankooda laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ergada ka qeyb galeysa kulanka maamulka loogu sameyno ay yihiin kuwo ka socdo dhamaan beelaha daga deegaanada Jubbooyinka, ka hor inta aanan la dhisan maamulka in la mideeyo talooyinka ay qabaan beelaha.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dadka ku howlan dhisida maamulka ay ka qeyb galaan marti qaadka uu fidiyay R/wasaaraha Soomaaliya si looga fogaado kala arti duwanaasha haatan ka jira gobollada jubbooyinka.

Sidoo kale gudiga dib u heshiinsiinta qaranka ay ku baaqeen in la joojiyo wax waliba oo abuurikaro fidno iyo dagaalo sokeeye.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/GUDIGA_DIBU_HESHISIINTA_qaranka_soomaaliya_mudane_ismaaciil_macalin_muuse_oo_ka_hadlaya_arimaha_kismaayo1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgadudu Media
allgalgaduud@gmail.com