Wararkii Ugu Danbeeyay Doorashooyinka Dalka Kenya Iyo Qarax Ka Dhacay Xaafada Soomalaida Ee Islii.

0

kenyaelections3Nairobi (AGGM): Waxaan weli si cad loo soo saarin Natiijada Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka Kenya, inkastoo Guddiga Doorashada ay sheegeen in la tiriyay codad gaaraya illaa iyo 5, 233 770 oo ah Nus ka mid ah dadkii codeeyay.

Wararka qaar ee soo baxaya saakay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Xubnaha kusoo bixi lahaa Baarlamaanka Natiijadooda la shaaciyay, iyadoona inta xilligaan la ogyahay ay Xubin-nimada Baarlamaanka kusoo baxeen Masúuliyiin ay ka mid yihiin Yuusuf Xasan, Aadan Barre Ducaale, iyo Aadan Keynaan.

Dhinaca kale Qarax xalay ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa illaa iyo hada waxaan jirin faah faahin rasmi ah oo kasoo baxay qaraxasi, iyadoo la sheegayo in uu dhaawac kasoo gaaray hal ruux oo haweeney ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay guri dhabarka danbe ka saaran goob Maqaaxi oo wax laga cuno isla markaana laga cabo qamriga, gurigaasna lagu farsameenayay waxyaabo qarxa, halka warar kale oo taa ka duwan ay sheegayaan in dabkii wax lagu karinayay ee Maqaaxida uu ka dhashay qaraxa.

Sidoo kale Qarax ka dhacay Wajeer ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 ruux oo uu ku jiro masúul ka tirsan Maamulka dowlada ee deegaankaasi.

Xaalada ayaa ah saakay mid degan, waxaana guud ahaan dalka Kenya Maanta laga sugayaa Natiijada Cod bixinta doorashooyinka dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com