Jabhadda Raskambooni Oo Been Abuur Ka Faafisay Marxuum Axmed Cali Jimcaale Dilkiisi Ka Dib.

0

somalia-persecutionOslo (AGGM): Alla ha u naxariistee dhawaan ayey ahayd marki Jabhadda Raaskambooni si bareer ah bartamaha magaalada kismaayo ugu toogteen Marxuum Axmed Cali Jimcaale oo ka tirsanaa Shaqaalaha Hay’adaha Bisha Cas ee gobollada Jubooyinka,waxaana Marxuumkaasi maalin cad si bareer ah loogu toogtey Saldhiga magaalada kismaayo oo ay maamulaan Jabhadda Raaskambooni.

Dhacdadaas foosha xun ka dib waxaa Jabhadda Raaskambooni sheegeen inaysan dilka sarkaalkaasi iyagu ka dambeyn isla markaasna ay Shabaabku ka dambeeyeen balse waxa eheladaas marxuumkaasi shaaciyeen in dilka Marxuum Axmed Cali Jimcaale ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni.

Dhinaca kale waxaa la ogaadey inay dhawaan koox ku abtirsada Jabhadda Raaskambooni isla markaasna Aaminsan Diinta Maseexigu daabaceen warbixin been abuur ah oo ay ku tilmaameen inuu Marxuumkaasi ka shaqeynayey Fidinta Diinta Kiristaanka taas oo ay qiil uga dhigayaan inay dilkiisa ka dambeeyeen Alshabaab. Balse Markii dambe waxaa la ogaaday xaqiiqda dhabta ah ee ku aadan qoraalkaasi iyo cidda qortey oo la xaqiijiyeye inay yihiin soomaali ku abtirsata Jabhadda Raaskambooni ee maamusha magaalada kismaayo balse aaminsan diinta kiristaanka.

Waxaa wax aad looga naxo loogana xumaado ah in qof islaam ah oo salaad soo tukaday la dilo isla markaasna qoraalo been abuur ah geeridiisa ka dib la faafiyo,taas oo looga dan leeyahay in marin habaabin lagu sameeyo cidii dishay.

Marxuum Axmed Cali Jimcaale waxaa uu ahaa nin muslim ah isla markaasna u adeega shacabka masaakiinta ah ee gobollada Jubooyinka,waxaana la dilay xilli uu saalad ka soo baxay isagoo ku sii jeeda hoygiisa,waxaana beesha uu ka soo jeeda marxuumkaasi xaqiijieen inay dilkiisa ka dambeyeen kooxda Raaskambooni.

Gebagabadii waxaaan halkan ku soo link-gareyanayaa Qoraalka been abuurka ah ee kooxda Somali Christain ka ahi ku faafiyeen website-ka christainpost,waxaana warbixintaas noqon doontaa mid qof kasta oo muslim ahi ka naxo,maadama uu ahaa marxuumkaasi nin nadiif ah oo aan gaalo la shaqeyn jirin.

Halkan ka gal warbixinta. http://global.christianpost.com/news/islamic-extremists-suspected-in-killing-of-christian-father-of-4-in-somalia-91157/#t7GXWLfyZxp8Sbg7.99

Waxaa kale oo akhridaan Website-kan Soomaaliyeed ee arrimahaasi ku qanacsan isla markaasna u muuqda inuu ku faraxsan yahay.

http://waamonews.com/?p=24406

Qaliinki Cabdikaadir Cali Maxamed
Oslo,Norway.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com