Dhalinyarro Looga Shakisan Yahay Falaagada Al Shabaab Oo Lagu Xiray Balad-xaawo Gobollka Gedo.

0

BALAD-XAAWO-IYO-SUUQ-GUBTAY1Balad Xaawo (AGGM):  Ciidamada nabad-galyada gobollka Gedo ayaa lagu waramayaa in ay xabsiga dhigeen oo ay xireen ilaa lix dhalinyarro ah oo sida ay sheegeen saraakiisha nabad-galyada looga shakisan yahay ururka falaagada ah ee Al-shabaab.

Taliyaha nabad-galyada ee degmada Balad-xaawo Cabbey John oo  la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhallinyarada lagu soo qabqabtay howlgal ciidamada xalay ay ka sameeyeen qaar ka mid ah  xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada.

waxaa uu intaa ku darray in ay ka war heleen xubno ka tirsan falaagada al-Shabaab oo qaab dhuumaaleysi ah ku soo galay magaalada si ay u geystaan falal ammaan darro ah.

Balad-xaawo waxaa ay ka mid ah deegaannada gobollka Gedo oo ay maamusho dowladda Soomaaliya, waxaa marar badan oo hore  ka dhacay dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo falaagada Al-shabaab.

Waxaa kaloo uu intaa ku darray taliyaha in ay wali ku raad joogaan kooxaha ka tirsan falaagada Al-shabaab oo sida uu sheegay ay hayaan xogtooda iyo waliba halka ay ku dhuumaaleysanayaan.

Dhalinyarrada la qab qabtay ayuu sheegay in lagu xabsiga degmada, islamarkaana uu ku socdo baaritaan la xiriira sababaha loo soo xiray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com