Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiyo "Ictiraafka Mareykanka Albaabo Badan Ayuu Inoo Furay".

0

Fowsiyo-MuqdishoMuqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaare Ku-xigeen ahna wasiirrka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka hadashay isbadalka ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo caalam-ka intiisa kale ka dib ictiraafkii dowladda Mareykanka, ayaa sheegtay in albaabo badan u furmeen xiriirka dowladda federaalka iyo caalamka intiisa kale.
Waxaa ay sheegtay in xiligii ugu wanaagsaneyd siyaasada arrimaha dibada Soomaaliya uu ku soo beegmay ictiraafka dowladda Mareykanka, taaasoo keentay ayeey sheegtay in ay hagaagto dibulmaasiyadii dibada iyo xiriirkii caalam-ka.
‘’Waad og-tihiin maalmo ka hor mar kaliya ayeey madaxweynaha Soomaaliya warqadahoodii aqoonsiga danjarenimo u soo gudbiyeen safiirada ilaa shan dowladdood oo ka tirsan midowgga Yurub,’’ taasoo ka marakaceysa ayeey sheegtay sida sida uu caalamku diyaar ugu yahay wada shaqeyn ay la yeeshaan dowladda,’’ ayeey tiri marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Waxaa loo ay sheegtay in safaraadii ugu danbeeyay ay ku kala bixiyeen wadamada dibada inta badan ay kala hadlayeen dowladihii ay tageen iyo madaxdii ay is arkeen xiriirka Soomaaliya ay la leeyihiin, waxaana ka muuqatay ayeey tiri soo dhaweyn.

‘’Madaxdii aynu is aragnay intii aan socnay, dhamaantood waxaa ay inoo muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u curashada diblumaasiyaadii dibada ee Soomaaliya, waxaana ay inoo balan qaadeen wada shaqeyn iyo xiriir joogta ah,’’ ayeey sheegtay marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Ugu danbeytii wasiir Fowsiyo waxaa ay sheegtay in culeyska ugu weyn oo ay la kulantay intii ay safarka ku jirtay ahaa xukunkii lagu riday wariye C/siis iyo haweeneydii sheegtay in la kufsaday, iyadoo sheegtay in xukunkaa uu sumcad darro u keenay dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com