Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud Oo Ku Sii Jeeda Dalka Qatar.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Wararka laga hellayo xarunta madaxtooyada Vill Soomaaliya ayaa sheegaya in ay socto qaban-qaabada safar la filayo in madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud uu ugu anbabaxo magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Safarka madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ku tagi doono dalka Qadar ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha dowladda Soomaaliya, inkastoo uu dalkaasi horay u tagay wasiirru-dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir ahna saxiib ay siweyn isugu dhaw yihiin madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa kulamo la soo qaadan doono mas’uuliyiinta dalkaas, iyaga oo ka wada hadlli doona cilaaqaadka ama xiriirka labada dal, lama oga ilaa iyo hadda xubnaha madaxweynaha ku wehlin doona safarkiisa.

Wasiir Faarax C/qaadir ayaa todobaadyadii aynu soo dhaafnayba siweyn ugu howlanaa  ka shaqeynayay xiriirka carabta iyo dowladda Soomaaliya, maadaama uu aad ugu xeel dheer yahay arrimaha Carabta iyo galaan galkooda.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa bilihii ugu danbeeyay siweyn ugu mashuulsanaa safaro safaro dibada ah ku tagay qaaradaha Yurub, Ameerika, Afrika iyo Asia, waxaana uu horay u tagay dalka Sacuudiga oo ka mid ah dalalka Khaliijka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com