Waa Sidee Maanta Xaalada Magaalada Kismaayo?

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Kismaayo ay maanta aad u xasiloon tahay kadib marki maalmo ka hor uu ka furmay shir aan ujeedkiisa ilaa hadda lagaran oo dhaliyay khilaaf fara badan.

Waxaa maalmo ka hor magaalada Kismaayo ka furmay shir loogu magac daray shirka maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo, shirkaa oo aysan usoo xaadirin ergooyinki gobolka Gedo iyo ergooyin fara badan oo dhamaantood ka biyo diidan sida ay wax u wadaan qolyaha sheeganayay inay qabanayaan shirka.

Maanta ayaa gabi ahaan magaalada Kismaayo waxaa ka socon wax dhaq dhaqaq ah oo ku saabsan shirka maalmo ka hor ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilaa hadda ayaa aqoonyahanada iyo waxgaradka kale ee bulshoweynta Soomaaliyeed waxa ay isweeydiinayaan maxuu ahaa ujeedka shirka maalmo ka hor ka dhacay magaalada Kismaayo?

Isku soo wada duub oo aduunka maanta aanu joogno waxa uu ku shaqeeyaa waa maskax iyo muruq iskaashaday balse waxaad moodaa in qolyaha shirka ku qabtay magaalada Kismaayo in ay labaduba ka maqneed.

Cali Faarax Samatar
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com