Maxaa Shalay Ka Dhacay Hoolka Shirka Uu Ka Socday Ee Magaalada Kismaayo?

0

shirka kismaayoKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shalay hoolka shirka uu ka socday lagu dhex dharbaaxay nin isku dayay inuu ku been abuur ka sheego beesha sade.

Shaqsiga la dharbaaxay ayaa waxaa dharbaaxay gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Col. Yaasiin Nuur Gaas kadib marki uu isku dayay inuu ku been abuurto beelweeynta Sade.

Ninka la dharbaaxay ayaa waxa uu ahaa qurbajoog ka yimid magaalada Nairobi, hoolka shirka waxa uu ka sheegay in uu isaga matalayo beelweeynta Sade.

Col Yaasiin Indhoraadeer ayaa durbaba inta istaagay waxa uu ninki iskugu daray inuu ka qaado mikrafoonki uu ku hadlayay kadibna waxa uu indhaha gooyay dharbaaxo, waxa uu u sheegay kasoo qeeyb galayaashi shirka beesha Sade inay qaadacday shirka ka socda magaalada Kismaayo mana yeelayo in lagu been abuurto, isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu waxa uu raaciyay cidna kama aanu qaadaneyno inay beelweeyn go’aan ay qaadatay uu barbar maro ama dad kale been ku qanciyo.”waa sida uu hadalka u yiri Col. Yaasiin Nuur Gaas”

Dhinaca kale kasoo qeeyb galayaasha shirka ayaa waxa ay badankood ahaayeen dad kasoo wada jeeda hal beel, islamarkaana iyaga dhexdoodana ay qaarkood ay gooni uga fadhiisteen shirka, waloow ay jireen shaqsiyaad kale oo tiro yar kana mid ah beelaha daga deegaandan lallahaa maamul ayaa loo sameenayaan.

Isku soo wada duub oo waxaa halkaas ku soo gabagaboobay shirki lalahaa waxaa lagu yagleelayaa maamulka Jubbaland  ee ka socday magaalada Kismaayo isaga oo aan wax nattijo amaba guul ah ka soo bixin oo la taaban karo.

Run Sheeg, Waa Ceeb Sheeg,
Beenina Waa Raad Gaaban Tahay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com