BAYAAN: Beesha Sade Oo Qaadacday Shirka Magaalada Kismaayo Ka Furmay.

0

Bayaan Beesha SadeKismaayo (AGGM): Beesha Sade oo kamid ah beelaha degga  gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxay ka soo horjeesatay ka qeyb gelida shirka maanta ka furmay magaalo xeebeeka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Odoyaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo saraakiisha beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka ayaa waxa ay iclaamiyeen inaysan ka qeyb geli doonin shirka sababo dhawr ah oo jira awgood.

Waxaa kulan ay isugu yimaadeen guriga Suldaanka beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yaroow, waxayna si wadajira ah uga soo saareen bayaanka ay ku qaadacaada shirkaan.

Afhayeenka beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka Cabdi Warsame Gurux, ayaa waxa uu kulankaas ka akhriyay bayaanka ay ku diideen inay ka qeyb galaan shirkan manata ka furmay magaalada Kismaayo.

Cabdi Warsame Gurux ayaa waxa uu sheegay in marka hore aysan dowladda federaalka soomaaliya cadeeyn shirkan ka furmay magaalada Kismaayo, islamarkaana deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ay weli ku jira gacanta Al Shabaab ay ku sugan yihiin odoyaal dhaqan oo fara badan, waxa kale oo uu sheegayn in odoyaashaasi inay ka qeyb galidooda shirka ay aad muhiim u tahay.

Afhayeenka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa kale oo uu sheegay in inay tahay muhiim deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ay weli ka arimiyaan Al Shabaab in la xoreeyo intaan loo guda gelin shirweyne lagu yagleelayo maaulka Jubbaland.

Isku soo wada duub oo madasha kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoogeyaal ka ahaa gudoomiye ku xiogeenka maamulka KMG ah ee magaalda Kismaayo Col Yaasiin Nuur Gaas iyo Gen. Cali Madoobe.

Waxii Kasoo Kordha Wararkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com