Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada TaliyihaSaldiga Booliska Magaalada Kismaayo.

0

khalinleKismaayo (AGGM): Shabakada Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay horay u tabisay in aanu kala cadayn  xaalada rasmiga ah ee uu ku sugan  yahay taliyaha Saldhiga Boliska Magaalada Kismaayo Deeq Cismaan Khalinle oo asagu dhawac  culusi ka soo gaaray Dagaalki Maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Warbaahinta allgalgaduud Media oo waqti badan galisay sidi ay akhristeyaasheeda ulla wadaagi lahayd  xogta  ku saabsan Taliyaha  Saldhiga Booliska magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay shalay heshay in Taliyaha  Saldhiga Boliska uu nool yahay .

Wariyaha allgalgaduud   ee Magaalada Kismaayo Cabdikhadar iimaan dhaqane  ayaa waxaa uu shalay  booqday Cisbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo  qaas ahaan  qaybta lagu dadbiibaayo  dhawaca  Deeq Cisman Khalinle.

Wariyaha ayaa waxaa uu soo sheegay in dhawaca taliyaha uu hada yahay mid  ka soo raynaayo  isla  markaana  helay  dhaqaatir si  wacan  ula  tacashay.

Wariye oo  saka mar kale booqday   dhawaca taliyaha ayaa waxaa uu soo shegay in  xaalada cafimaad ee taliyaha ay saka  tahay mid wanagsan islmarkan  ka soo raynaysa marba arka ka danbeeya .

Dhinaca  Cisbitaalka Guud  ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa yaala  dhawac kale oo garaya 3 waxaayna gabi ahaantodba ku soo dhawacmeen dagaalki  Kisaayo ka dhacay xaladooda Cafimaadna way wanagsantahay.

Sido kale Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ayagana lagu dabiibaya   dhawacyo kale oo ayaguna ku soo dhawacmay  dagaalki  ka dhacay Kismaayo.

Dhanka kale  waxaa saaka dagaan  Xaalada Guud ee Magaalada Kismaayo  waxaana warar na soo garaya ay sheegayaan in wada hadalo ka dib  la xaliyay  inta badan  khilaafki sababay  gacan  ka hadalka ee Maalmo ka hor Magaalada ka  dhacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com