Shirki ka socday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Oo Lagu Kala Tagay Iyo Wafdigii Dowladda Oo Muqdisho Ku Laabtay.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in Shir balaraan oo maanta ka socday garoonka Diyaaradaha ee uu ku soo dhamaaday Natiijo la,an.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galayay Wafdi Balaran oo ka socda Dowlada Somalia waxaana  wafdigaasi horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia  Cabdikariin Guleed iyo Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Geddo iyo Odayaasha Dhaqanka .

Shirkaan ayaaa waxaa diirada lagu saarayay xal u helida Shaqaaqoyinki ka dhacay Magaalada Kismaayo labo maalmood  ka hor waxaana muhiimadiisu ahayd sidi lo kala qaadi lahaa Ciidamada isku horfadhiya Gudaha Magaalada Kismaaayo.

Inkasta oo Isgarsiinta Magaalada Kismaayo ay hawada ka maqan tahay  ayaa waxaa Shabakada Warbaahinta Allgalgaduud  u suura gashay in ay xiriir la samayso  Shaqsi ku sugan gudaha magaalada oo haysta isgaarsiin ka madax banaan kuwa shirkadaha soomaaliada ayaa waxa uu inoo  sheegay in Shirki Garoonka Diyaaradaha ka socday u ku soo dhamaday  Natiijo la,an.

Shaqsigaan ku sugan Magaalada Kismaayo oo aanu waydinay qodobada la isla fahmi wayay ayaa waxaa uu ino shegay in uusan faafahin badan ka ahayn balse kaliyah uu og yahay in wada hadaladi ay ku soo dhamadeen natiijo la,an.

Waxaa sido kale gobjoohaani uu  ino sheegay in Wafdigii  Ka socday Dowladda Somalia ee saakay ka yimid  dhanka  Muqdisho   ay galabtay dib ugu labteen  Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale  shaqsigaan ku sugan Magaalada Kismaayo waxaa uu  inoo sheegay in Xaalada Magaalada ay iminka dagan tahay waxaana  macquul ah in waqti kasta ay wax is badalaan.

Waxii kasoo kordha wararka magaalada Kismaayo kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com