Gudoomiyaha Ahlusunna Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax Oo Marki Ugu Horeeysay Ka Hadlay Dagaalada Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

0

awlibaax22Garbahaarey (AGGM): Gudomiyaha Maaamulka Ahlusunna ee Gobolada Konfureed  Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax ayaa waxaa uu manta marki ugu horaysay ka hadlay  Shaqaaqadi shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Gudomiyaha oo asago ku sugaan Xarunta Gobolka Gedo  ee  Garbaharey  Shirjaraid   u qabtay  Saxafada ayaa waxaa uu  ku dheeraday ka hadalka   Dagaal qasaaro badan  dhaliyay  oo Kismaaayo ka dhacay.

Ugu horeeyn  Gudomiyaha  Ahlusunna  Waljamaca  Gobolada Konfureed Sh Maxamed Aw-libaax  waxaa uu  sheegay  ka masul ahaan in u si  weyn  uga  xun yihiin dhibaatada ka dhacday  Magaalada Kismaayo  isla markaana  uu tacsi u diraayo  dhamaan  inti  ku wax yeelowday  dhacdadi xanunka badnayd  eek a dhacday Kismaayo.

“ Dhawaqa naga soo gaaray Magaalada Kismaayo xili  aan u fadhinay  Shir aanu ugu diyaar garobaynay  Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaa uu ahaa mid si weyn no damqiyay  waxaana  markiiba  xiriiro  aanu la samaynay  Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo bal  si loo  xakameeyo  dagaaladi socday  taasina wa lagu gulaystay in “ ayu  yiri   Sh. Maxamed Aw-libaax.

Inta uu socday Shirka  jaraaid ee Gudomiyaha  Ahlusunna Waljamaaca  Sh Maxamed Aw-libaax  ayaa waxaa uu fariin adag u diray  Taliyaha Ciidamada Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Gen  Ismaciil Saxardiid  waxaana uu  yiri.

“Waxaan  halkaan fariin cad uga diraya Taliyaha  Ciidamada   Maamulka KMG ah ee  Magaalada Kismaayo Gen Ismaciil  Saxardiid   waxaan leyahay  Taliye  waa in aad sida u ugu  dhaqsiyo badan aad cadaalada ku horkeento  Ciidamadi  dhaca  u gaystay  qaar ka mid ah Shacabka Magaalada hadi aysan  taasi  dhicin waxaad qaadi doonta Masuliyada Dagaalki  Kismaayo ka dhacay ayu yiri Sh Aw-libaax.

“Ciidan ma ahaan  shaqsiga  dhaca u gaysanaya Shacabki la rabay in uu ka ilaaliyo  kuwa dhacaya  waxaayna u bahan yihiin  kuwa falkaasi gaystay ciqaab adag iyo dhaqan celin, ayu yiri  Aw-libaax.

Ugu danbeyn Gudomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Shirki ay u jogeen Garbahareey uu gabo gabo u marayo Shacabka iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo na ay  manta wixi ka danbeya hal far noqonayaan  oo ay si wada jir ah uga qayb qadanayaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Maxamed Jamac
Garbahareey-Gedo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com