Ururka SDSI (Somali Diaspora Initiative Support) Oo Ka Walaacsan Colaadda Iyo Dagaalka Sokeeye Ee Ka Soo Cusboonaadey Magaalada Kismaayo Ee Dalka Soomaaliya.

0

sdsi logoUgu horeyn, wuxuu ururku u tacsiyeynayaa dhammaan ehelkii iyo  qaraabadii ay sida goonida ahi u taabatay geeridii iyo dhimashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo; waxaan leenahay ilaahay ha u naxariisto intii geeriyootay samirna hakisiiyo eheladooda guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan hogaamiyayaasha, waxgaradka , Ugaasyada, iyo Salaadiinta labada dhinic ee ay arimihaani ka dhexeeyaan inay ku dadaalaan inay si deg deg ah usoo afjaraan qulquladan colaadeed; islamarkaasna ay kawada shaqeeyaan sidii looga fogaan lahaa inay dhacdooyinkan fooshaxun dib usoo laabtaan.

Ururka SDSI waxaa uu taageerayaa kana shaqaynayaa in si nabadgalyo ah lagu xalliyo wixii khilaaf ah ee ka dhexjira dadka walaalaha ah ee deegaanka iyo dantu ay kadhaxayso.

Waxaan ku talinaynaa in lagawada shaqeeyo nabadda, xalka deegaankuna uu ku yimaado wadahadal iyo wadatashi lagana fogaado wixii keenaya in dhiig si macno darro ah lagu daadiyo.

C/qani Sheekh Cali Diini
Gudoomiyah Ururka SDSI

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com