Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka.

0

jawaariMuqdisho (AGGM): Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyp wafti uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal ay ku gaareen wadanka itoobiya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta barqanimadii kasoo dagay garoonka diyaaradaha oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubno fara badan oo ka tirsan xukuumada iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka kula hadlay warfidiyeenada.

Jawaari ayaa ka warbixiyey Safarkii maalmaha qaatay ee ku tagay wadanka Itoobiya wuxuuna sheegay iney Itoobiya ugu ambabexeen casuumaad ay ka heleen gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Itoobiya isanoona tilmaamay iney ka wada hadleen wada shaqeyn dhex marta labada baarlamaan iyo iskaashi dhab ah oo ay yeeshaan baarlamaanada Soomaaliya Itoobiya.

Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaa ku daray iney waxyaabo badan kasoo faa’iideen waftigiisu intii ay ku sugnaayeen wadanka Itoobiya,wuxuuna tilmaamay iney la yeesheen baarlamaanka Itoobiya wada hadal dheer isla markaane ay isla qaadaa dhigeen sida ugu dhow ee ay u wada shaqeyn karaan labada baarlamaan ee labada dal.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa intii uusan dalka soo gaarin waxa uu soo maray magaalada Nairobi ee caasimada Soomaaliya oo uu kula kulmay Safiirka Soomaalida u fadhiya wadanka Kenya Max’ed Cali Nuur America iyo qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com