Dagaalki Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Oo Ay Qeeyb Ka Ahaayeen Maleeshiyaad Uu Hogaaminayay Col. Afgaduud.

0

AfgaduudKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalki maanta lagu baacsaday maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa qeyb qaadanayay maleeshiyaad uu isna horkacayay Col. C/risaaq Afguud oo kal hore laga baacsaday magaaalda Kismaayo.

Col. Afgaduud ayaa waxa uu horkayay maleeshiyaad dhowaan maamulka Punland u soo direen magaalada Kismaayo.

Afgaduud ayaa dhoowr sano ka hor laga waxaa laga eryay magaalada Kismaayo mar uu isku dayay in uu dadka deegaanka xoog ku muquuniyo balse dadku ay ka diideen.

Isku soo wada duub oo dagaalka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu egyahay mid colaadiisa daba dheeraato.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com