Ilaa 50-ruux Oo Lagu Xiray Magaalada Kismaayo.

0

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Dhawaan ayay ahayd marki uu maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo uu sheegay in ciidamo badan ay dhigeen qeybaha kala duwan ee Xaafadaha magaalada Kismaayo iyo Duleedyada magaalada ayaa waxaa warar kasoo baxaya Baaritaan ciidamada ay sameeyeen.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada ay kusoo qabteen dad badan oo amaan daro lagu eedayay.

Dadka deegaanka ah oo xariir aan la sameeynay ayaa waxaa ay inoo sheegeen in ciidamada saacadihii ugu danbeeyay ay gacanta kusoo dhigeen ku dhowaad 50-ruux kuwaasi oo dhalinyaro u badan.

Raga lasoo qabtay ayaa waxaa la tilmaamayaa in qaar ka mid ah ciidamada ay kasoo saareen Guriyahooda kadib markii ay uga shaki yeen Inay xariir la leeyihiin falaagada Al Shabaab oo xili Magaaladaasi maamuli jirtay.

Waloow ay jiraan warar kale oo iyaguna sheegaya raggan la qab qabtay in loola jeedo arimo siyaasadeed oo ay diidan yihiin  shirka maamulka lagu dhisayo ee dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo eedeenta loo jeedinayana ay tahay mid xaqiiqda ka fog.

Isku soo wada duub oo Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee Howlgalka ka sameeyay Magaalada ayaa waxaa wax war ah kasoo saarin howlgalkooda iyo dadka ay kusoo qabteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com