Maamulka Jubbaland Ma IGAD Baa Yagleelanaysa Mise Soomaali?

0

MaqaalMaqaal: Waxaa ah su’aal isweeydiin mudan maamulka Jubbaland ma urur goboleedka IGAD baa yagleelanaya Mise Soomaali?

Dadku waa inuu fahmaa ujeedka dhabta ah ee ka dambeeysa baroordiiqda iyo qaylo dhaanta urur goboleedka IGAD ay ku doonayaan inay ku dhistaan amaba ku yagleelaan maamul ay iyaga sameeysteen si beri uu u noqdo maamul ku adeega danahooda iyo qadiyadahooda.

Marka qadiyada maamulka Jubbaland laga hadlana macnaheedu ma uu aha in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay diidan yihiin in maamul loo sameeyo deegaan ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed ee macnuhu waxa uu yahay ma yahay maamulka la yagleelayo mid dadka Soomaaliyeed u dhan yihiin? mase yahay maamul u adeegaya maslaxada iyo qadiyada Soomaalinimo?

Maamulkan hadda la sheegayo in lagu yagleelayo magaalada Kismaayo ma uu aha mid dadka u dhan yihiin kuna shaqeenayo qadiyada iyo maslaxada ummada Soomaaliyeed, hadii la yagleelana waxa uu noqon doonaa mid u adeega dad iyo dowlado shisheeye cidii doontaba madax haka noqoto’e waana in laga hortagaa inta ay goori goor tahay.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u kacaan unna muujiyaan moowqifkooda iyo dareenkooda ku aadan maamul u sameeynta Jubbaland oo aad hadda moodo taladeeda in ay tahay mid aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed gacantooda ku jirin.

Gabagabadi walaalaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo hadii ay doonayaan inay sameystaan maamulka Jubbaland waa arin wanaagsan waana la soo dhaweenayaa ee waxba yeysan ka cararin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ha u soo cararaan, waana inay ogaadaan Soomaaliya waxa ka shaqeenaya oo qurra waa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay doonayaan ee kama ay shaqeenayaan wax ururka IGAD soo dhoob dhoobtay.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com