Waa Maanso La Magac Baxday " Wariyaha Hadilin" W/Q. Abwaan Abdikader Hussein

0

GABAYWaa maanso  kufaraysa inaadan wariyaha dilin waxaana curiyey, Abwaan Abdikader Hussein .

Waxayna kubilaabanaysaa sida tan:-

Soomaali weyney hashaadi
Waaya badan qatin aheyd
Dabeed wahantey oonkii
Ceelkii walawey oooo
Ninba uu wadaan darey
Adna yeelkii aad wadan
Ruuxa kuu waraabshee
Darka waris ku soo hora
Isagaa wanaag iyo
Abaal waa lagudo iyo
Abaal weynba kuu galey
Waa xareed saxaafadu
Ruuxba weel darsanayee
Kawaraabanaayee
Wariyaha hadilin, hadilin
 
Soomaali  weyneey
Adoo waa socdaal galey
Waraabiyo haduu halis
Waadiga dhex  jiifoo
Wadadaba col kuugalo
Ruuxa kuu warama ee
War ka joogso kugu yiri
Isna wuu kugu hagoogtee
Abaal waa laguda iyo
Abaal weynba kaa mudan
Waa xareed saxaafadu
Ruuxba weel darsanayee
Kawaraabanaayee
Wariyaha hadilin,hadilin
 
Soomaali weyneey
Merkey walafto xaajee
Waanwaantu duushee
Wiishku nabada qaadee
Quwadaha is weerara
Marka gumaca weyfleyn
Warmuhuba is dhaafaan
Halka dhiigu wadhan yahey
Halistuna ku weyntahey
Saxafiga wax qorayee
Dhexdhexaad warana iyo
Wariyuhu xaqdhowr mudan

Waa xareed saxaafadu
Ruuxba weel darsanayee
kawaraabanaayee
wariyaha hadilin,hadilin
 
soomaali weyneey
kuwa wararka qariyee
runta weel ku dadayee
maalin hore wixii dhacey
wariyaha u diidee
marna weeraree dila
bucad wadata been iyo
waa tuug sharciye leh
wid in laga yiraahdiyo
waraabuhu takoor mudan
waa xareed saxaafadu
ruuxba weel darsanayee
kawaraabanaayee
wariyaha hadilin,hadilin

kuwase beenta weynee
xumaatada u weecdee
warka iyo xaqiiqada
wadaba ka leexshee
afka kii wax ugu rida
u washleeya xiligaa
ee kii qabey waxyeeliyo
dulmana ku wiirsada
ku shuboo ku waran
koolbokisyo weeyaan
budhcad wadata beeniyo
xumatada walwaashiyo
unug feyrus weeyee
wax ka sheegdhaleecey
dacwad iyo canbaarey
waligood iyagaa mudanee
wariyaha hadilin,hadilin

 
W/Q: Abwaan Abdikader Hussein
riwaayad@live.se

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com