Jamaacada Al-Ictisaam Oo Iclaamisay Dagaal Ka Dhan Ah Falaagada Al Shabaab.

0

al ictisaamGaroowe (AGGM): Jamaacada Al-Ictisaam oo ka mid ah ururrada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa soo jeedisay in meel looga soo wada-jeesto dhibaatooyin ay sheegtay in ay  Al-Shabaab ku heyso dadka Soomaaliyeed.

Shirar ay Ictisaam ku yeelatay magaalada Garoowe kaddib markii halkaas lagu dilay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa bayaan ka soo baxay waxay ku tilmaantay Al-Shabaab koox burcad ah oo dooneysa in ay iska horkeento ummadda Soomaaliyeed.

“Haddaba waxaa waajib ku ah qeybaha ummadda Soomaaliyeed sida; maamullada, qabaa’ilka iyo bulshada oo dhan inay si wadajir ah uga hortagaan kooxda Al- Shabaab ee dabargoynaysa ummadda, maadaama ay yihiin khatar ku wajahan ummadda idilkeed” ayaa lagu yiri bayaanka.

Al-Ictisaam ayaa ku guubaabisay shacabka Soomaaliyeed in la isugu yimaado shirweyne heer qaran ah oo looga arrinsanayo dhibaatada Al-Shabaab.

Bayaanka oo qoran:-

1- Waxaan u mahadcelinaynaa Allaah Subxaanahu Watacaalaa oo fududeeyay hawlo badan oo ka mid ah aaskii Sheekha iyo qabqabashadii dambiilayaasha. Waxaan kaloo u mahadcelinaynaa maamulka Puntland, sida wayn ee uu howshaan isugu xilqaamay waxna uga qabtay. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kaalinta ay ka qaateen wax ka qabashada dhacdada iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay.

2- Waxaan u cadaynaynaa muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed in kooxda Al-Shabaab ee dishay Sheekh Cabduqaadir ay tahay koox burcad ah, diinta Islaamkana aan wax shaqo ah ku lahayn, ayna tahay musiibo iyo cadow aan ummadda u reebayn diin, naf, maal, caqli iyo sharaf midna. Waxaana arrintaas caddeynaya shirqoolka hal doorka ummadda sida; culimada, aqoonyahanka, salaadiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, ardayda, iyo ganacsatada. Sidoo kale qarxinta, xasuuqa, qaxinta, cabsigalinta, niyad-jebinta iyo dullaynta ummadda Soomaaliyeed.

3- Waxaan u caddaynaynaa ummadda Soomaaliyeed in aan Ilaahay iyo Rasuulku farin in dadka muslimiinta ah la gaalaysiiyo ama la laayo, shareecada Islaamkuna aysan qabin, kooxda Al-shabaabna ay Ilaahay iyo Nebiga ku been abuuranayaan.

4- Haddaba waxaa waajib ku ah ummadda Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan sida; maamullada, qabaa’ilka iyo bulshada oo dhan inay si wadajir ah uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee dabargoynaysa ummadda, maadaama ay yihiin khatar ku wajahan ummadda idilkeed.

5- Waxaan shacabka u caddaynaynaa in kooxaha shirqoollada iyo qaraxyada fulinya aysan matalin qabaa’ilka ay ka dhasheen, lagalana tashan, dadka ay bar-tilmaameedsanayaanna aysan u dilayn qabiil ahaan, aysanna jirin qabiil loogu danaynayo falalkan gurracan ee ay ku kacayaan. sidaa daraadeed;

b) Sharci ahaan looma aanayn karo beelaha ay ka soo jeedaan.

t) Mana bannaana in dadka falalkaas fulinaya, lagu kaalmeeyo falkooda qaldan, la magangaliyo ama gabbaad loo noqdo.

j) Marka la qabto dambiilayaashana looma gurman karo. Looma doodi karo, lamana difaaci karo.

x) Waxaan u caddaynaynaa ciddii sidaa yeesha lacnadda Ilaahay inay mutaysanayaan.

6- Waxaan u soo jeedinaynaa beelaha Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan utunta, iska horkeena iyo colaadda ay ka dhex abuurayso kooxda Al-Shabaab. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa inaan dheg loo dhigin dacaayadaha marin-habaabinta ah ee ay kooxdaasi u adeegsato weecinta iyo daboolista fal-dambiyeedkooda.

7- Waxaan caddaynaynaa in kooxdii fal-dambiyeed isu kaashata ama wada fulisa inay sharci ahaan isku xukun yihiin. Sida; kan amray, kan dilay, kan lacagta baxshay, kan soo ilaaleeyay, kan gaariga ama guriga u kireeyay, kan qariyay iyo kan raacdo reebka ah.

8- Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan maamullada dalka inay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cid kasta oo fal-dmnbiyeed gaysatana lagu qaado xukunka ay shareecada islaamku ka qabto arrinkaas.

9- Waxaan mar labaad u soo jeedinaynaa ummadda Soomaaliyeed maamul iyo shacabba in la isugu yimaado shir wayne heer qaran ah oo looga arrinsanayo dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay ummadda ku hayso.

10- Ugu dambayntii waxaan u dardaarmaynaa ummadda Soomaaliyeed Ilaahay cabsidiisa iyo inay ku dhegganaadaan diintooda, caqiidada saxanna ay ka qaataan culimada, si ay uga badbaadaan marin-habaabinta ay kooxda Al-Shabaab waddo.

>>>Dhammaad<<<

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com