Aarhus: Laba Wiil Oo Walaalo Ah Oo Lagu Soo Eedeeyay Danbiyo La Xiriira Argagixisada Al Shabaab.

0

ARHUSAarhus (AGGM): Maxkamad ku taala magaalada Aarhus ee dalka Denmark ayaa si rasmi ah waxay dacwad ugu soo oogtay Labo nin oo walaala ah kana soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo Maxkamada ku eedeeysay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab oo weeraro ay damacsanaayeen.

Danbi oogayaasha Maxkamada ayaa shaqsiyaadkaan eedeeynta u soo jeediyay,waxayna dhalinyaradaan walaalaha ah asal ahaan dhalashadooda ay tahay Soomaaliya iyagoo da’doodana ay kala tahay 19 iyo 24 jir.

Wararka laga helay illo ku dhow Saraakiisha Maxkamada eedeeynta u soo jeedisay labdan wiil ee Soomaaliyeed ayaa waxay sheegayaan in shaqsiyaadkaan ay ku eedeeysan yihiin maalgilinta iyo mid kamid ah oo tababar ay Al shabaab kula soo qaatay qaar kamid ah xerooyinka ururka argagixisada ah ee Al Shabaab dadka ay ku tababaraan ee ku yaala Soomaaliya dhamaadkii sanadkii tagay ee 2012.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in labadani nin ee walaalaha la xiray bishii May sanadkii tagay,iyagoo lagu eedeeyay abaabulida weerarka argagixiso ay ka geystaan dalkaasi Denmark.

Mid ka mid ah eedeeysanayaashaan ayaa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala bartamaha magaalada Aarhus,midka kalena waxaalagu soo qabtay amr uu diyaayarad ku yimid Garoonka diyaaradaha eeCopenhagen markaasi oo gacanta ,iyagoo waxii xiligaasi ka danbeeyayna ay xabsi ku jireen.

Maxkamada ayaa la filayaa in si rasmi ah u bilaabato 11 bisha soo socota Maarso.

Si dhab ah looma oga waxyaabaha shaqsiyaadkaan ku eedeeysan yihiin marka laga soo tago Maxkamada dalka Denmarka oo shaqsiyaadkaan walaalaha ah islamarkaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ku edeeysay inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada ururka argagixisada ah ee Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duub oo waxaa hubaal ah in ururka Argagixisada ah ee Al Shabaab  ee ka dagaalama dalka Soomaaliya ay rag wakiilo u ah ay joogaan dalka dibadiisa kuwasoo dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurnajoogta ah marin habaabiya, kadibna dib ugu dhoofiya dalka Soomaaliya si ay uga soo qeeyb qaataan dagaalada fidnada ah ee ay argagixisadu kawado dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com