Wasaarrada Arrimaha Gudaha Oo Soo Dhaweysay Baaq Ka Soo Yeeray Culimada Soomaaliyeed.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM):Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed aya sheegay in ay soo dhaweynayaan baaqa ka soo yeeray culimada Soomaaliyeed ee ahaa in la qabto shirweyne guud oo ay hormuud ka yihiin culima’udiinka oo looga arinsanayo falalka diinta ka dhan-ka ah kooxda Al-shabaab.

C/kariin Xusseen Guulleed wasiirrka arrimaha gudaha oo maalintii Jicmihii aynu soo dhaafnay ka qeyb-galay aaskii loogu sameeyay magaalada Garoowe Alle ha u naxatiirteen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamey oo lagu dillay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso baaqa culimada Soomaaliyeed iyo shirweynaha ay iclaamiyeen.

‘’Dowladda Soomaaliya wey aqbashay weyna soo dhaweyneysaa baaqa culimada iyo shirweynaha ay iclaamiyeen ee looga arinsanayo dhibaatada Al-Shabaab ku hayaab bulshada, cid walba oo ka shaqeyneysa dabar goynta kooxahaas shar wadayaasha waa kala shaqeyneynaa”ayuu yiri Mr Guuleed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay qabsoomida shirkaas, isagoo xusay in shirkan ay hormuud u yihiin Culimada Soomaaliyed, ayna ka qeyb geli doonaan qeybaha bulshada Soomaaliyed.

Culimadii ka qeyb-gashay aaska ayaa ku baaqday Jimcihii aynu soo dhaafnay in la qabto shirweyne guud oo ay ka soo qeyb-galaan maamulada dalka ka jira iyo culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, kaasoo looga arinsanayo dhibaatada kooxda Al-shabaab ay ku hayaan bulshada oo ay hadda ku soo biireen culimada Soomaaliyeed oo la dillayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com