War Deg Deg Ah: 3 Ruux Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

0

breaking newsGaalkacyo (AGGM): Wararka haatan naga soo gaaraya  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay  sheegayaan in caawa halkaasi lagu dilay  3 ruux oo rayid ah kuwaas oo  lagu dilay waqooyiga magaaladaasi.

Ilaa hada lama sheegi karo sababta ka danbaysa dilka 3-daas ruux ,wallow shalay galab sidaan oo kale lagu dilay Bari magaaladaasi ilaa 5 ruux oo ah reer guuraa .

Waxaana dilkaas maanta ka hadlay labada maamul ee ka jiraa magaaladaasi Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland  iyadoo midba uu si kulul canbeereeyay dilkaasi.

Wixi ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com