Midowga Yurub Oo Canbaareeyay Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

0

Michele Cervone d’UrsoMuqdisho (AGGM): Ergayga gaarka ahna Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, wuxuu si xoog leh u cambaraynayaa dilki Sheikh Abduqadir Nuur Faarax ee dhawaan ka dhacay Garowe iyo werarkii baaburka bamka ee ka dhacay 16/2/2013 maqaayada Xeebta Lido ee Muqadisho.

Wuxuuna uga tacsiyadeynayaa eheladi laga dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ee ay dhaawacday khasaarahaa naxdinta leh.

“Falalkaas ugu dambeeyey ee foosha xun leh ee argagixisada waxa kaliya ay galaan waxay tahay inay sii xoojinayaan niyadda adag ee shacabka iyo maamulada Soomaaliyeed”. Ayuu ku nuux-nuusaday Danjire Michele Cervone d’Urso.Midowga Yurub wuxuu ahaanayaa mid u dhow Soomaalida nabadda jecel wuxuuna sii wedayaa in uu barbar istaago Soomaaliya dadaalkeeda ay ugu jirto mustaqbal sii wanaagsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com