Yaa Daaroodeey Haddaad Maqasho Reer Baa Dan Lahee Toloow Waa Reerkee? Qaybti 2aad.*Daawo*

0

xil2Qoraalkan ayaa waxaan ku iftiiminayaa Hadaad si wanaagsan u daawato labadan Video waxaad ku arkeysaa amaba garan kartaa u jeedka dhabta ah ee loo adeegsaday ereyga ah Yaa Daaroodeey waqtigan ee uun la maqlo marki ay Puntland dan leedahay.

Video-ga 1aad waa dood dhexmartay laba nin oo Soomaali ah lana kala yiraahdo C/rashiid  Daahir Axmed oo ka socda ururka SAHAL iyo Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali, Ex Xildhibaanka ayaa waxa uu ku hanjabay inay soo sii deeynayaan wiilashi madmadoobaa ee Indhaha Gaduudnaa kadibna Utanga leeysku wareeysanayo.

Doodahaas kadib ayaa waxaa dhashay guux iyo buun buunin colaadeed oo la doonayay in bulshada Soomaaliyeed leeyska horkeeno si aysan u shaqeeyn dowladda hadda ka jirta Soomaaliya, halkaasna ay dad gaar ah kaga faaiideeystaan fursada isku dhaca madaxda dalka iyo dadka.

Balse dadku waxa uusan fahmin weli inay Soomaaliya ku hareen indheer garad fahmi kara ujeed walba oo dad gaar ahi leeyihiin.

Video-ga 2 aad waxaad ku arkaysaa casho sharaf uu qabtay Eng. Cawil Yaasiin Quluunbe oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweeynenimo ee Jubbaland, kana mid ah dadka lagu soo fasaxayay wiilashi indhaha gaduudnaa kadibna isku wareesanayay Utaanga, ayaad waxaa  casho sharaftiisan ku dhex arkaysaa oo goob jooge ka ah khudbadna ka jeedinaya Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali oo horey ugu hanjabay inay soo sii deeynayaan wiilashi madmadoobaa ee Indhaha Gaduudnaa kadibna Utanga leeysku wareeysanayo.

xil2

Ninka Falaarta: Waa Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali,Kan Bidixda Fadhiyana Waa Eng.Cawil Yaasiin Quluunbe oo kamid ah dadka loo soo dirayay wiilashi madmadoobaa ee indhaha gaduudnaa ee isku wareesanayay Utanga.

Haddaba baroorta orgiga ka weeyne dadku waa inay fahmaan waxaan oo dhan inay yihiin Film loo shidayo oo la doonayo in lagu kiciyo cadowna looga dhigo dowladda iyo madaxdeeda si ay ugu kacaan ugana hor imaadaan, islamarkaana fursad u helaan groep gaar ah oo isla socda isku dana ah ummada iyo dalkana aan dan u wadin, su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay Maxaad kala socotaa xiriirka u dhexeeya Puntland, ururka SAHAL, iyo Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali? hadii aad si wanaagsan u daawato labadaa video-ayay Jawaabta ku jirtaa adinkaana idiin daayay jawaabtaas .

La Soco Todobaadka Dambe Qaybta 3aad iyo xiriir intee le’eg ayaa  u dhaxeeya Puntland, ururka SAHAL, iyo Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali?

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com