Maxkamadda G/Banaadir Oo Xukun Ku Riday Wariye Koronto Iyo Gabadh Been Abuurtay In La Kufsaday.

0

korontoMuqdisho (AGGM): War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in Makxmadda Gobolka banaadir ay denbi ku heshey Luul Cali Cismaan oo ahayd gabadh ku doodey in 7 nin kufsadeen kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka dowladda,  waxaa Luul Cali Cismaan waxaa maxkmadda lala soo taagey Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibrahim iyo saddex qof oo kale.

Xaakimka Maxkmadda Axmed Adam ayaa ku dhawaaqey xukunka maxkmadd amaanka, waxaana uu cuskadey aayado qur’aanka kariimka ka mid ah, iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed  ee qodobada 269, 286, 296, ay maxkamadda u caddaatey in Luul Cali Cismaan ay been abuur samaysey isla markaana samaysey denbi aan jirin,  waxaa maxkamaddu ku xukuntey hal sano oo xarig ah.

Weriyaha waraysiga ka qaadey gabadha in la kufsadey ku doodey ayaa isagana la sheegay in uu galay guri nin lee yahay isaga oo aan wax idan ah u qabin isla markaana sameeyey sheeko been abuur ah waxaana isagana lagu xukumey hal sano oo xarig ah.

Saddexda qof ee kale ee Maxkmadda la soo taagey ayaa la sii daayey oo maxkmaddu sheegtey in aysan ku helin wax denbi ah.

Waxaa xusid mudan marka xukunka la rdiyaado dadkuna ay aamusan yihiin in la maqlaayey codka ilamaha yar ee ay nuujineyso Luul Cali Cismaan oohintiisa kaas oo ay dhabarka ku sidatey, waxaana maxkamaddu sheegtey in Luul  aysan xabsiga geleyn inta ay nuujineyso ilamahaas yar oo gaaraysa muddo laba sano ah banaankana ay ku sugeyso, waxaana isla meeshii Ciidanka Asluubta ee ilaalada Xabsigu la wareegeen Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto.

Gabadha Luul waxa ay mar kale maanta maxkamadda ka sheegtey in ay dhibane tahay oo la kufsadey wax been abuur ahna aysan samayn, qareenka difacayey ayaa sheegey in go’aanku uu yahay mid caddaaladda ka fog isla amrkaana ay ka qaadanayaan rafcaan.

Maxkmadda waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo xubno ka ahaa Guddiga Caddaladda ee Baarlamaanka waxaana ay isha ku hayeen sida wax u socdaan.

Dacwaddan ayaa ahayd mid soo jiidatey caalamka isla markaana si dhaw isha loogu hayey, waxaana lagu tilmaamey in ay tahay tijaabadii u horeysey ee Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud, waxaana safarka Madaxweynaha ee Qaarada Yurub hareeyey su’aalo ku saabsan arrintaas, dadka ka faalooda arrimaha caynkan oo kale ah ayaa sheegaya run iyo been caddaalad iyo caddaalad darro wuxuu doono ha noqdee kiiskan in uu yahay mid la siyaasadeeyey, dowladda federaalka ahna looga guuleysan doono, isla markaana ay kala kulmi doonto canbaareyn iyo canaan kulul dalalka ay ku xiran tahay ee gargaarka siiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com