Magaalada Qaahira waxaa gaadhay wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirka ayaa u tegey dalka Masar shirka Wasiirada Arrimaha Debedda wadamada Carabta oo maanta la filayo inuu halkaas ka furmo.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Somalia shirkan ayaa la qorsheeyay in Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ay kaga hadlaan arrimaha ka taagan wadamada Soomaaliya , Libya , Syria , Yemen iyo Palestine, waxa ayna u gogol xaari doonaan shir madaxeedka carbeed ee lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Sharm el-Sheikh 28-29 bishan March,
Hoos ka dhageyso: